kullan heer Wasiirro ah oo ku qabsoomay aalada Zoom-ka oo ay ka qaybgaleen Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kullanka wuxuu la xiriiray dardargalinta Barnaamijka Baxnaano oo ah barnaamijkii u horreeyay ee Dowladda Soomaaliya ay taageerro dhaqaalo ku siinayso muwaadiniinta kuwooda ugu nugul.
Wasiirrada ayaan wadatashi sidoo kale ka yeelanay dadaallo ay Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ku gaarayaan Qoysaska uu saameeyay Ayaxa.
Kullankan wuxuu qayb ka yahay wadashaqaynta dhow ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DFS iyo Wasaaradaha Dowlad-gobolleedyada.
Waxaana dhici doona kullan joogta ah oo si bilo ah u qabsoomi doona.
















