Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Mudane Cali Balcad, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulka HirShabelle, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. Isagoo si cad u muujinaya dareenkiisa ku aaddan doorasho dadban oo dhawaan lagu qabtay degmada Balcad, ayuu Wasiirku eedeeyn adag u jeediyay Madaxweynaha HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe.
Cali Balcad ayaa sheegay in waqtigii doorasho dadban uu dhammaaday, isla markaana ay nasiib darro weyn tahay in xilli uu dalku ku jiro marxalad muhiim ah oo ah diyaarinta doorasho qof iyo cod loo dhan yahay, uu Madaxwaynuhu halkii uu ka qaybqaadan lahaa dadaalladaas, uu halkii doorasho dadban kusoo noqday.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in doorashada lagu qabtay degmada Balcad ay tahay mid sharci darro ah, islamarkaana ay meel ka dhac ku tahay heshiisyadii hore loo gaaray ee ay ansixiyeen Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) iyo baarlamaanada dalka.
Intaa waxaa u dheer, Wasiir Cali Balcad wuxuu baaq u jeediyay Madaxweynaha HirShabelle, isagoo ugu yeeray inuu la jaanqaado madaxweynayaasha kale ee dowlad-goboleedyada dalka sida Axmed Qoor Qoor ee Galmudug iyo Cabdicasiis Laftagareen ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo muujiyay diyaar garow dhab ah oo ku wajahan doorashada qof iyo cod.
Hadalkan kasoo yeeray Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalka uu marayo marxalad kala guur ah, loona diyaargaroobayo doorashooyin lagu wado inay horseedaan xasillooni siyaasadeed iyo horumar dhab ah oo ku yimaada nidaamka doorasho ee Soomaaliya.














