Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada KG Oo kormeer sameeyey-SAWIRO

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Maxamud Maxamed Kheyre ayaa Maanta Booqasho Ku Yimid Xafiiska Wasaaradda Waxbarashada, hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,

Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada DGKGS Mudane Maxamuud Maxamed Kheyr ayaa Kormeerey Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare DGKGS.

Wasiiru Dowlahaha ayaa Warbixin ku saabsan Howlaha shaqo iyo Hormarka Wasaaradda Ka dhegeystay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Mudane Wasiir Maxamed Yusuf Xasan (Waliid)

Wasiir Maxamuud Maxamed kheyr ayaa Wasiirka, Wasiir ku xigeenka Iyo Howl wadeenada Wasaarada Waxbarashada uga Mahadceliyey Dadaalkooda ku aadan Hormarinta Waxbarashada Deegaanka.