Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Mohamoud Mohamed Kaire ayaa maanta kormeerey Xarumaha Garsoorka DGKGS,
Wasiiru-dowlaha ayaa booqdey waaxyaha kala duwan ee maxkamadaha iyo xafiiska Guddoomiyaha Maxkamada sare
Waxa uu warbixin ka dhageystey qeybaha kala duwan ee hoggaanka garsoorka isagoo mid mid ubooqdey xafiisyada heerarka ee garsoorka DGKGS si uu ugu kuurgalo habsami usocodka shaqadooda, waxa u qabsoomey iyo baahiyaha halkaas kajira.
Wasiiru-dowlaha inta uu kormeerka kujirey waxaa sidoo kale ku wehlinayey Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caddaalada DGKGS.






















