Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra,iisul Wasaare Kheyre Oo Booqasho ku tagey Xarunta Wasaarada Maaliyadda ee D/Goboleedka Koonfur Galbeed[SAWIRO]

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra,iisul Wasaaraha XFS Mudane Cabdulahi Xaamud oo maal mahan howlo shaqo u jooga Magaalada Baydhabo ee Caasimada Ku meel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Booqasho ku tagey Xarunta Wasaarada Maaliyadda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,

Booqashadan Wasiiru Dowlaha ayaa waxaa sido kale ku weheliyey Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya Waxaana Xarunta Wasaarada Maaliyada ayaa ku soo dhoweeyey Wasiirka Wasaarada maaliyada Koonfur Galbeed Soomaaliya Axmed Maxamed Iyo Howl wadeenada Wasaarada,

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra,isul Wasaare Kheyre ayaa waxaa uu warbixin ka dhageystay Wasiirka iyo howl wadeenada Wasaarada Maaliyada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,Mudane Xaamud ayaa Hadalo dhiiragelin iyo dardaan ah halkaasi ka jeediyey,

Dhanka kale Wasiiru Dolwaha Xafiiska Ra”iisul Wasaaraha Mudane Cabdullahi Xaamud waxaa uu sheegay in Dolwdda Dhexe ee Federaalka Soomaaliya ay garab taagan tahay la shaqeeynta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.