Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW/Kheyre Oo Booqdey Cisbitalka Baydhabo&Xaruumo kale[SAWIRO]

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaraha Soomaaliya Mudane Cabdullahi Xaamud ayaa Maanta kormeer ku tagey Isbitaalka weyn ee Gobolka Baay , waxana Kormeerka Ku wehlinaayay Wasiir kuxigeenka wasarada Caafimaadka Kgs iyo Mas’ulyiin kale Wuxuna indha indheyn ku sameeyay Qolalka Isbitaalka isagoona warbixin ka dhageystey Maamulka Isbitaalka Iyo wasardda Caafimaadka Kgs,

Kormeerka ka dib waxaa ay si wada jir ah ula hadleen warbaahinta Kgs ugu horeen wasiir kuxigeenka wasaaradda Caafimaadka Kgs ayaa Wasiiru dowlaha ku soo dhaweyay Isbitaalka Gobolka Baay,

Dhanka kale wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaraha soomaaliya ayaa kormeer ku tagey Qaar ka Mid Wasaradaha Dowlad Goboleedka Kgs isagoona Mid Mid u booqdey Xafiisada wasaradaha KGs.

Mohamed Abuukar Wasiir wasaradaha Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Kgs ayaa wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasraaha Soomaaliya ugu Mahadceliyay Baqashadan Maanta ku yimid Wasaradaha Kgs.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaraha Soomaaliya Mudane Abdullahi Xaamud ayaa Boogadiyay Shaqada wanaagsan ee ka socoto Wasraadaha Kgs isgoona sheegey in Dowlad Goboleedka Kgs uu hiigsaneyso Horumar Dowladnimo,

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasraaha soomaaliya Ayaa Booqasho ku tagey Taliska qeybta 6aad Waxana halkaasi kusuu dhaweyay taliyaha qeybta Jenaraal Mohamed sheekh Abdullahi is xoq wareysi ka dib waxaa ay si wada jir ah Warbaahinta Koonfur Galbeed.