Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Maamulka Konfur Galbeed Mudane Maxamed Noor Madoobe Iyo Wasiirka Waxbarasha Maxamed Abukar Ayaa Maanta Booqdey Iskuulka Hoose Dhexe iyo Sare ee Gabdhaha Dr Cabdala Deerow iyo Iskuulka Hoose Iyo Dhexe Ee Dr Ayuub
Ujeedka Booqashada Masuulyiinta ee Iskuuladan Ayaa Waxa Ay kusoo Aadeysaa Xilli Maanta Dib Loo Furey Iskuulada Una Bilowdey Sanad Dugsiyeedkooda 2018-2019
Waxa Ay la Sheekeysteen Qaar kamid ah Ardada Iyagoo Urajeeyey Mustaqbal Wanagsan Iyo iney ka Gungaaraan Hamigooda Waxbarsho Sanad Dugsiyeedkaana Nabad ayku dhameystaan
Masuuliyiintan ayaa Sidoo Kale Waxa Ay kulamo gaar ah la yeesheen Maaamulka Iskuulada Iyagoo Ka Wareystey Baahiyaha Gaarka ah ee ay iskuuladan Qabaan


















