Rag hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay weerar jidgal ah ku qaadeen gaari ka ambabaxay degmada Galdogob ee Gobolka Mudug kuna sii jeeday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeeysa degaannada Qoryo-cado iyo Dhudub, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro dhimashada 3 ruux iyo dhaawaca laba kale.
Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan waxa ay ahaayeen dadka weerarka lala beegsaday, waxaana wararka qaar ay sheevayaan inay ahaayeeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo fasax ugu maqnaa qoysaskooda, kuwaas oo dib ugu laabanayay Dhuusamareeb.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Goibta weerarka uu ka dhacay ay ku baxeen Ciidamo ka tirsan dowladda, iyaga oo wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dam eeyay weerarkaas.
Wararka kusoo kordha weerarkaas kala socda www.radiorisaala.co.














