Weerar ka dhacay Shabeellaha Hoose & khasaaro ka dhashay

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka moocyadiisa kala duwan.

Dadka ku sugan degaanka Janaale ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa barta-koontorool.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay dhankooda iska caabiyeen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan gasrsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Janaale ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.