Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Mudug

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay deegaan ka tirsan Gobolkaas uu ka dhacay weerar sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen qoys ku sugnaa degaanka jiic boore oo ku dhow deegaanka saaxqurun oo kamid ah deegaannada Gobolka Mudug,waxaana weerarkaas lagu diley hal Ruux halka mid kale lagu dhaawacay.

Mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Gobolka Mudug ayaa Risaala waxaa uu u sheegay in weerarkaasi ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubeysan,isla markaana dilkaasi uu la xiriiro aanooyin qabiil.

Dadka dilka iyo dhaawaca loo geystay ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen Xoolo Dhaqato Reer Guuraa ah,waxaana lagu wadaa in Maanta lagu aaso deegaanka lagu diley ee jiic boore.

Deegaanka Saaxqurun iyo deegaannada ku dhow dhow ayaa horay waxaa uga dhacay dilal gooni gooni ah oo la xiriirey aanooyin qabiil,waxaana Bulshada deegaannadaas ay walaac xoogan ka muujiyeen dagaal Beeleedyada soo laab laabtey.