Weerar lagu qaaday deegaanka Galqoryaale ee gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen deegaanka Galqoryaale oo hoostaga degmada Ceelbuur. Weerarkaasi waxaa ku dhaawacmay saddex haween ah, kuwaasoo loo qaaday degmada Guriceel si loogu helo daryeel caafimaad.

Maleeshiyaadka weerarka geystay ayaa goobta ka baxsaday, lamana sheegin ilaa hadda sababta keentey weerarka. Galgaduud ayaa inta badan wajahda dilal la xiriira aanooyin qabiil iyo dagaallo beeleed, taasoo khatar ku ah shacabka aan waxba galabsan.