Weerar lagu qaaday Hoyga Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal

Koox hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay xalay xilli dambe weerar ku qaadeen Hoyga uu Xaafada 1-da Agoosto ee Magaalada Garoowe ka degan yahay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac.

Is rasaaseyn kooban ayaa dhexmartay Kooxaha weerarka geystay iyo ilaalada Taliyaha , iyada oo Kooxihii weerarka ku qaaday Guriga ay dib u laabteen.

Dad kunool Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sheegeen in is rasaaseynta oo muddo kooban socotay uu jiro khasaaro ka dhashay, waxaana weli la ogeyn waxa ay ahaayeen Kooxaha hubeysan ee weeraray Guriga Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac ayaan weli ka hadlin, waxaana weerarkaas uu kusoo aadayaa xilli Taliyaha uu shalau shaaciyay inay Gacanta ku dhigeen Nin duleedka Garoowe ku dilay Wiil Dhalinyaro ahaa kana mid ahaa Saraakiisha Hay’adaha Amniga Puntland kaas oo lagu magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan.