Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar madaafiic ah oo lagu qaaday saldhiga Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyyihiin degaanka Cabdalla Biroole oo ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa hobiyeyaasha lagu soo uuray Saldhiga Ciidamada Kenya,sidoo kalena dhankooda ay ku jawaabeen madaafiic dhowr ah oo ay ku tuureen duleedka degaanka Cabdalla Biroole.
Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay weerarkaasi madaafiicda ah, in kastoo aan sirasmi ah weli loo cadeyn ayaa hadana Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in 7 Askari ay ku dhinteen weerarkaas.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada degaanka Cabdalla Biroole ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidamada Kenya oo ay wehlinayaan kuwa Jubbaland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.














