Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya

Weerarkaan madaafiicda ah ayaa waxaa lagu qaaday Saldhig Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Dadka kunool degaanka Halgan ayaa waxaa y sheegeen in madaafiic dhowr ah ku dhaceen xerada Ciidamada Itoobiya & agagaarkeeda, hayeeshe aysan xaqiiin karin khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Itoobiya ay dhankooda madaafiic dhowr ah uga jaawaabeen weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa sheegay inay ku dhaceen Hoobiyeyaasha Gudaha Xerada Ciidamada Itoobiya khasaarana ku gaarsiiyeen, in kastoo aysan jirn warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Degmada Halgan & degaannada hoostaga ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.