Weerar saraakiil Al-shabaab ah lagu diley oo ka dhacay gobolka Hiiraan.

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Abooreey oo hoostaga degmada Buulo-burte ee gobolkaasi.

Weerarka oo dhacay saacado ka hor ayaa lagu dilay tiro saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab, iyadoo sidoo kale lagu gubay gaadiid dagaal oo ay lahaayeen kooxdaas.

Guddoomiyaha deegaanka Abooreey, Nuur Cilmi Cariif, oo la hadlay warbaahinta Risaala Media, ayaa sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay oo lagu bartilmaameedsaday goob ay si dhab ah ugu sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in kooxda Al-shabaab ay miinooyin ku aaseen wadooyinka gala deegaanka Abooreey, taasoo halis ku ah dhaq-dhaqaaqa ciidamada iyo dadka shacabka ah. Wuxuu intaa ku daray in qorshuhu yahay in maalmaha soo socda si buuxda looga xoreeyo deegaanka Abooreey kooxda Al-shabaab.

Deegaanka Abooreey ayaa ka mid ah goobaha ay weli ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, hase yeeshee guluf dagaal oo xooggan ayaa ka socda gobolka Hiiraan, gaar ahaan Buulo-burte iyo nawaaxigeeda, halkaas oo ciidamada xoogga dalka iyo Macawiisleyda deegaanka ay doonayaan inay si buuxda dib ugu soo celiyaan xukunka dowladda Federaalka.