Weerarkii Al-shabaab ku qaaday degaanka Wisil oo Dowladda Soomaaliya ka hadashay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkii waaberigii hore ee maanta Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Wisil ee waqooyiga Gobolka Mudug, una dhexeeya magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo ee Gobolkaas.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka Wisil ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-shabaab.

Waxaa uu intaa ku daray in Al-Shabaab laga hor istaagay inay qabsadaan deegaanka, isla markaana lala galay dagaal culus, isagoona tallaabadaas ku boggaadiyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.