Weerarkii ugu weynaa ayey qorsheysey dowlada in ay ku qaado Aadan Yabaal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo milatari oo weyn kadib markii ay diyaarisay ciidamadii ugu badnaa si ay uga qeyb qaataan wejiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, iyadoo ujeeddadu tahay in laga xoreeyo deegaannada ay wali kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan degmada istiraatiijiga ah ee Aadan Yabaal.

Ciidamadan oo lagu soo bandhigay deegaanka Garasweyne ayaa lagu tilmaamay in ay yihiin cutubyo si gaar ah loo tababaray, una qalabeysan agab casri ah oo u suurtagelinaya inay fuliyaan howlgallo culus. Waxaana loo diyaariyay inay sugaan amniga, isla markaana ay gacan ka geystaan dib u soo celinta maamulka dowladda ee degmooyinka muhiimka ah ee wali ku jira gacanta kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa abaabulkan ayaa sheegay in diyaarinta ciidamadan ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah wejiga labaad ee howlgalka qaran ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo lagu wado in howlgalladaasi ay si toos ah u bilaabmaan maalmaha soo socda. Waxay sidoo kale xuseen in qorshahan uu yahay mid la isku dhafay oo ay si wadajir ah u fulin doonaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ciidanka Booliska, iyo xoogagga deegaanka.

Degmada Aadan Yabaal oo ah bartilmaameedka ugu weyn howlgalka, ayaa hadda gacanta ugu jirta kooxda Al-Shabaab, taasoo ka dhigaysa mid istiraatiiji ah oo muhiim u ah difaaca kooxda iyo xiriirkooda ka dhexeeya gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaannada kale ee ay ku dhuumaaleysanayaan.

Qorshaha dowladda ayaa si weyn loo ammaanay, iyadoo shacabka ku nool deegaannada ay wali gacanta ku hayaan Al-Shabaab ay rajo weyn ka qabaan in la helo xasillooni iyo in dib loogu soo celiyo adeegyada dowladda ee ay muddo dheer ka maqnaayeen.

Waxaa la filayaa in howlgalka bilaabanaya uu noqdo mid go’aan adag ah oo dhaxal gal u leh amniga guud ee dalka, gaar ahaan bartamaha Soomaaliya. Dowladda Federaalka ayaa horay ugu dhawaaqday in sanadkan uu yahay sanadkii xoraynta, iyadoo dadaallo badan la geliyay abaabulka ciidamada iyo sidii loo heli lahaa taageero buuxda oo gudaha iyo dibaddaba ah.