Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Qasa ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah lagu dilay weerar xanuun badan oo ay Israa’iil ku qaadday dugsi barakacayaal Falastiiniyiin ah ay gabaad ka dhiganayeen, kaas oo ku yaalla magaalada Qasa. Wararka ayaa sheegaya in meydeadka qaar ay gubteen si aad ah, oo ay carruur ku jiraan, kadib markii uu dab weyn qabsaday laba fasal oo kamid ah iskuulka.
Tobaneeyo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka, iyadoo dhaawacyada qaarkood lagu sheegay kuwo halis ah oo gubasho daran ah. Saraakiisha deegaanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in weerar kale oo Israa’iil fulisay uu ku dhacay guri ku yaal bartamaha Qasa, halkaas oo ay ku dhinteen afar Falastiiniyiin ah oo qoys isku ahaa.
Militariga Israa’iil ayaa Axaddii sheegay inay qorsheynayaan inay gacanta ku dhigaan 75% magaalada Qasa, iyagoo doonaya inay mamulaan Falastiiniyiinta ku nool saddex aag oo yaryar, taas oo muujineysa culeyska sii kordhaya ee dadka rayidka ah iyo heerka ba’an ee gumaadka socda. Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda bani’aadantinimo ee kasii dareysa magaalada Qasa oo ay dadkii barakacay ay hadda gabaad la’ yihiin.














