WHO oo ka digtay in cudurka Covid-19 uu si baahsan ugu faafo Afrika

World Health Organization (WHO) Director-General Tedros Adhanom Ghebreyesus speaks during a press conference following a WHO Emergency committee to discuss whether the Coronavirus, the SARS-like virus, outbreak that began in China constitutes an international health emergency, on January 30, 2020 in Geneva. - The UN health agency declared an international emergency over the deadly coronavirus from China -- a rarely used designation that could lead to improved international co-ordination in tackling the disease. (Photo by FABRICE COFFRINI / AFP) (Photo by FABRICE COFFRINI/AFP via Getty Images)

Ha’yadda Caafimaadka Adduunka waxay ka digtay in cudurka Covid-19 uu si baahsan ugu faafayo qaaradda Afrika, halkaas oo laga soo tebiyay kiisas yar marka loo barbardhigo caalamka intiisa kale.

Cudurka waxaa uu si weyn u saameeyay ilaa 10, waxay qaaraadda xaqiijisay ilaa 200,000 qof oo ku dhacay feyraska Korona, sida ay sheegtay madaxa WHO u qaabilsan Afrika Dr Matshidiso Moeti.

Cudurka ayaa si weyn u saameeyay Koonfur Afrika, xaaladda ka taagan gobolka Western Cape waxay lamid tahay midda haatan ka jirta Yurub.

Inta badan cudurka wuxuu ku baahay magaalooyinka iyo dhulka ka baxsan balse cudurka uu haatan u muqdo mid ku baahayo magaalooyinka waaweyn ee qaaradda, sida ay sheegtay Dr Matshidiso Moeti.

Waxay sidoo kale sheegtay in caqabadaha ugu weyn ee heysta qaaradda ay yihiin qalabka cudurka lagu baaro iyo agabka kale ee ka hortagga cudurka.