Zaki Maxamud Kalafoge iyo walaashiis Sowdo Maxamud Kalafoge ayaa ku geeriyooday isgoyska dabka iyagoo saaran mooto bajaaj.
Goobjoogayaal ayaa Risaala u xaqiijiyeen in ciidanka dilka geystay ay saarnaayeen gaari Cabdi Bile ah ,islamarkaana ay galbinayeen mid mid ah gawaarida aysan xabado karin.
Ciidanka booliska ayaa goobta ka qaaday Meydka labada Ruux.














