Dagaal culus ayaa mar kale ka qarxay magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, iyadoo ciidamada taabacsan dowlad-goboleedka Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dagaalameen gudaha magaalada, gaar ahaan agagaarka xerada ciidamada dowladda ee loo yaqaan “UK”, oo ku taalla xaafadda Waaberi.
Goobjoogayaal ku sugan Beled Xaawo ayaa sheegay in dagaalku uu qarxay kaddib markii ciidamo ka tirsan Jubbaland ay weerar ku qaadeen baabuur sidey biyo oo ku sii jeeday xerada ciidamada federaalka. Weerarkaasi ayaa si degdeg ah u sababay israsaaseyn culus oo labada dhinac dhex martay, taasoo cabsi iyo qalqal ku abuurtay dadka deegaanka.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dagaalka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aysan jirin tirakoob rasmi ah oo la shaaciyay. Lama oga illaa iyo hadda cidda khasaare badan soo gaartay, iyadoo labada dhinacba ay weli ku sugan yihiin meelo kala duwan oo magaalada ka mid ah.
Xaaladda magaalada ayaa si weyn u kacsan, iyadoo ay bilaabatay barakac baahsan oo ay sameeyeen shacabka degmada Beled Xaawo. Qoysas badan ayaa ka cararay guryahooda iyaga oo cabsi ka qaba in ay ku waxyeeloobaan dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland.
Dagaalkan cusub ayaa kusoo aadaya iyadoo muddooyinkii dambe uu jiray xiisad siyaasadeed iyo mid ciidan oo u dhaxeysay labada dhinac, taasoo weli xal waara aan laga gaarin. Ma jirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku saabsan dagaalkan ugu dambeeyay, balse xaaladda magaalada ayaa u muuqata mid u baahan faragelin degdeg ah si looga hortago in qalalaasuhu sii fido.














