Xaalada Kenya oo kacsan iyo suuqyada Soomaalida oo ciidamo la dhigey.

Waxaa maanta dalka Kenya lagu wadaa in uu ka dhaco banaanbax ballaaran oo ay abaabuleen kooxo mucaarad ah oo si xooggan uga soo horjeeda siyaasadaha dowladda. Banaanbaxyadan ayaa kusoo aadaya xilli shacabka Kenya ay si weyn u cabanayaan sicir-bararka, musuqmaasuqa, iyo cadaalad-darrada ka jirta nidaamka dowladda, taasoo sabab u noqotay kacdoon ballaaran oo qorshaysan.

Wararka ka imanaya magaalada Nairobi iyo magaalooyinka waaweyn ee Kenya ayaa sheegaya in la adkeeyay ammaanka, iyadoo ciidamada booliiska iyo kuwa milatariga lagu daadiyay waddooyinka muhiimka ah si looga hortago rabshadaha iyo burburka ka dhalan kara banaanbaxyada. Waxaa jirta cabsi weyn oo laga qabo in mudaaharaadkan uu isu beddelo rabshado iyo falal gacan ka hadal ah, taasoo horey uga dhacday dalka.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Nairobi, ayaa si weyn uga walaacsan ammaankooda iyo hantidooda. Waxaa la sheegay in xarumaha ganacsatada Soomaalida ee Nairobi marar badan ay bartilmaameed u noqdeen falal bililiqo iyo burbur marka ay dhacaan mudaaharaadyo rabshado wata, taasoo kor u qaaday walaaca bulshada ganacsatada ah.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah u dirtay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, taas oo ah mid ka mid ah goobaha ganacsi ee muhiimka u ah bulshada Soomaalida ee dalkaas. Tallaabadan ayaa looga golleeyahay in lagu xakameeyo xaaladda amni ee xaafadda, isla markaana lagu sugo nabadda guud ee magaalada.

Banaanbaxyadan ayaa noqon kara imtixaan cusub oo ay dowladda Kenya wajahdo, iyadoo shacabka iyo mucaaradku ay si adag ugu ololeynayaan isbeddel siyaasadeed iyo ka hortag musuqmaasuqa. Saameynta rabshadaha iyo xasilooni darrada ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa inay sii kordhiso xaaladda dhaqaale iyo bulsho ee dalka.