Xaflad Lagu Maamuusay Xarunta Cilmi-baarista iyo Wax-akhriska ee Awjaamac Cumar Ciise.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo xubno ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa xalay ka qaybgalay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, oo lagu xusayay sannad-guuradii 12-aad ee aas-aaska Xarunta Cilmi-baarista iyo Wax-akhriska ee Awjaamac Cumar Ciise. Xaruntan ayaa door muuqda ku leh ilaalinta hidaha, dhaqanka iyo aqoonta Soomaaliyeed, iyada oo kor u qaadda midnimada bulshada.

Xarunta Awjaamac Cumar Ciise waxaa loo arkaa buundo isku xirta jiilasha kala duwan, halkaas oo dhalinyarada iyo odayaasha dhaqanku ku wadaagaan sheekooyin, gabayo, doodaha dhaqanka, bandhigyo iyo farshaxan si loo xafido taariikhda iyo hiddaha hodanka ah ee umadda.

Intii ay xafladdu socotay, waxaa aqoonsi gaar ah lagu guddoonsiiyay mutadawiciinta xarunta kuwaas oo door weyn ku leh taabagelinta barnaamijyada lagu soo bandhigo xarunta.

Ugu dambeyn, Danjire Jabriil iyo Marwo Fardowso Jaamac Yuusuf ayaa si wadajir ah gudoonsiiyay Shahaado Sharaf dadkii door muuqda ka qaatay guulaha xarunta gaartay.