Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ( Xaliimo Yarey) iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb,halakas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.
Ujeedka safarkeeda ayaa salka ku haya sidii ay kulamo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ula qaadan laheyd madaxda dowladda Feeraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ku sugan magaaladaasi.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil ( Xaliimo Yarey) ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah waxaa ay ku eedeeyeen inay dowladda hadda jirta la dooneyso muddo kordhin,kadib markii ay dalbatay in muddo 13 Bilood ah ay doorasho ku qaban karaan guddigooda.
Guddoomiyaah Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulankii Golaha ee shalay ka sheegay inaysan aqbaleyn doorasho dadban,waxaana uu ka jawaabayay Go’aankii kasoo yeeray Madaxda dowlad goboleedyada ee ku shiray














