Xamaas oo aqbashay hindise uu keenay Trump & Israel oo diiday

Ururka Xamaas ayaa lagu soo warramayaa inuu aqbalay hindise uu soo jeediyay ergayga gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkoff, kaas oo ku saabsan xabbad-joojin 70 maalmood ah oo ka dhacda Gaza.

Hindisahan ayaa sidoo kale waxaa  ku jira sii deynta 10 maxbuus oo Israa’iili ah oo ay Xamaas hayso, kuwaas oo lagu sii deynayo laba qaybood, iyadoo la filayo in Israel ay si tartiib tartiib ah uga baxdo qaybo ka mid ah Gaza, isla markaana ay sii deyso boqolaal maxaabiis Falastiini ah, oo ay ku jiraan kuwa xukunkoodu dheer yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Israel ayaa diiday hindisahan, iyadoo sheegtay in aysan jirin dowlad mas’uul ah oo aqbali karta heshiiska noocan oo kale ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo wadahadalada socda, isagoo xusay in Mareykanku uu doonayo in uu arko dagaalka oo istaaga sida ugu dhaqsaha badan.

Il wareed ayaa u sheegay Kanaalka “Al-Aqsa  in ururka Xamaas” uu oggolaaday hindisaha uu soo jeediyay ergayga gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkoff, kaas oo diiradda saaraya “joojinta dagaalka joogtada ah ee Qaza”.

Arrimahan ayaa imaanaya kadib hadallo uu saaka hore jeediyay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo yiri : “Waxaan aaminsanahay in war wanaagsan oo naga soo gaaraya ururka Xamaas uu jiro kaas ooku  saabsan Qaza”.

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in dhinacyada ay u diyaar garoobayaan in ay dib u bilaabaan wadahadalada aan tooska ahayn ee u dhexeeya Israel iyo Xamaas, si ay uga wada hadlaan heshiis ku saabsan is-weydaarsiga maxaabiista iyo xabbad-joojin, iyadoo la adeegsanayo hindisaha uu wado Mareykanka oo uu hormuud u yahay ergaygiisa gaarka ah, Steve Witkoff.

Hindisahan cusub ee Mareykanka ayaa la sheegay in uu yahay dadaal lagu doonayo in lagu helo xabbad-joojin waarta, iyadoo la rajeynayo in ay horseedi doonto wadahadalo dheeraad ah oo ku saabsan nabad waarta iyo xallinta khilaafka u dhexeeya Israel iyo Xamaas.