Xamaas oo Diiday Soo Jeedinta Mareykanka ee Xabbad-joojin Cusub oo Gaza la Xiriirta

Gaza – Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Xamaas, Sami Abu Zuhri, ayaa ku dhawaaqay in ururkaasi uu diiday soo jeedin ay dowladda Mareykanka hordhigtay, taasoo la xiriirta xabbad-joojin cusub iyo heshiis lagu sii deynayo la haystayaasha ku jira gacanta Xamaas.

Abu Zuhri ayaa caddeeyay in Xamaas aysan ku qanacsaneyn hindisaha Mareykanka, isagoo tilmaamay in ay ka maqan yihiin qodobbadii muhiimka ahaa ee ururku horey ugu adkeystay, sida joojinta dhameystiran ee dagaalka, ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Gaza, iyo in gargaar bani’aadamnimo si aan xadidneyn ku galo dhulka go’doonsan.

Mas’uulkan ayaa sidoo kale sheegay in hoggaanka sare ee Xamaas uu haatan daraaseynayo jawaab buuxda oo laga bixiyo hindisaha Mareykanka oo ay taageereen Israel, ayna filanayaan in maanta ama berri la shaaciyo mowqif rasmi ah oo dhinaca ururka ah.

Ilaa iyo hadda, ma jirto faahfaahin rasmi ah oo laga bixiyay qodobbada dhabta ah ee ku jira soo jeedinta Mareykanka, hase yeeshee wararka la helayo ayaa muujinaya in ay diiradda saarneyso xal waara oo lagu soo afjaro colaadda Gaza, iyadoo loo marayo xabbad-joojin, sii deynta la haystayaasha iyo dardargelinta gargaarka bani’aadamnimo.

Ururka Xamaas ayaa si joogto ah u adkeeyay in aan wax heshiis ah laga gaari karin xaaladda Gaza ilaa ay dhacdo joojinta buuxda ee duullaanka Israel iyo in la helo dammaanad qaad muujinaya xorriyadda shacabka reer Gaza.