Xamze oo qaabiley danjiraha jaamacadda carabta Soomaaliya u qaabilsan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Abdalla Cuteybi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, isagoo uga mahadceliyay doorka Ururka Jaamicadda Carabta ee ku aaddan taageerada iyo wada-shaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjire Abdalla Cuteybi ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay imaan doonaan wafdi sare oo ka socda Jaamicadda Carabta, kuwaas oo ka shaqeyn doona mashaariic horumarineed oo la doonayo in dalka laga hirgeliyo. Wuxuu xusay doorka muhiimka ah ee Soomaaliya ku leedahay horumarinta iyo xoojinta iskaashiga dalalka ku mideysan Ururka Jaamicadda Carabta.