Si bulshada ay uga hortagaan cudurka safmarka ah ee coronavirus ayna is kaga ilaaliyaan ayaa waxaa socda dadaalo bulshada looga wacygelinayo in cudurka uu yahay mid halis ah islamarkaana saameyn dadka kureeba,
Xaruunta Hooyada iyo Dhalaanka SIRDA ee Magaalada baydhabo ayaa Baydhabo gaar ahaan xaafada cadaada waxaa ay kabilaabeysaa maalinta berri ah Talaalka cudurka corona virus si bulshada ay uga faaideystaan,
Talaalkaan ay bxineyso SIRDA ayaa waxaa fududeysey oo gacan ka siinaysa wasaarada caafimaadka Dowlad Goboleedka KGS,
Wuxuuna talaalka si toos ah u bilaabanaya maalinta beri ah oo kubeegan khamiista,
Maamulka Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee SIRDA ayaa sheegey inuu Tallaalka yahay mid loogu talagalay guud ahaan Bulshada ku nool Magaalada Baydhabo sida dadka da,da ah iyo kuwa unugul in ay si fudud ay ku qaadaan cudurka,
Maamulka ayaa Bulshada ugu baaqey in ay ka faaideystaan talaalka si looga gungaaro kahortaga cudurka corona virus,
Sidoo kale Maamulka xaruunta hooyada iyo Dhalaanka ee [SIRDA] ayaa waxaa uu sheegey in qofkii qaata Talaalka lasiin doono Shahaado caafimaad si hadhow dadka loogu kala saaro kii horey talaalka usoo qaatey iyo kan aan marnaba qaadan,
Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay waxaa kuyaala isbitaalo si gaar ah loo leeyahay iyo Xaruumo Hooyada iyo dhalaanka majirto cid ku dhiiratey in ay bulshada ka talaalaan cudurka,
Xaruunta Hooyada iyo Dhalaanka [SIRDA] waxaa ay kamid tahay xarumaha farakutiriska ah ee wacyigeliya bulshada sidoo kalena ugu faaideeya Dawwooyin bilaash ah iyo talooyin muhiim ah si looga hortago cudurka .


















