Xaruntii Hore ee ADC Ee Magaalada Baydhabo oo loo badalayo Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska KGS[SAWIRO]

Wasiirka wasaarda amniga gudaha ee maamulka konfur galbeed Somalia oo ay weheliyaan taliyaha ciidanka qeybta lixdanaad taliyaha Amisom boolis iyo injineero ajaaniib ah ayaa waxaa ay kormeer ku tageen xaruuntii baarlamaankii dowladii kumeel gaarka ahayd ee C/laahi Yuusuf Axmed ee ADC halkaasoo lasheegey iney wasaaradu dib udayactir ku samanayso.

Xaruntan ayaa waxaa lagu wadaa iney dhawaan ka bilaabato dib udayactir islamarkaana laga dhigo dugsiga tawabarka ciidanka booliska konfur galbeed Somalia islamarkaana ay wasaaradu dardar geliso dib u dayactirka xaruunatan.

Wasiirka wasaarada amniga gudaha ee maamulka konfur galbeed Somalia isxaaq Cali Subag oo warbaahinta lahadley ayaa waxaa uu sheegey iney noqoneyso xaruunta tawabarka booliska KG ugu weyn.