Xasan Al-Bashiir oo maanta lasoo taagay Maxkamad

Waxaa maanta maxkamad la soo taagay madaxweynihii mudada dheer xukumayay dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir oo loo haysto dacdwo kala duwan .

Al-Bashiir ayaa maxkamadiisu bilaabatay isaga oo ku jiray qol yar gudaha magaalada caasimadda ah ee Khartuum,waxaana ka mid ah waxyaabaha loo haysto afgambigii uu dalka kula wareegay sanadkii 1989-kii,xiligaas oo xukuna xoog ugala wareegay dowladda si dimuquraadi ah loo doortay .

Dacwadaha loo haysto madaxweynihii hore ee dalka Sudan waxaa ku wehliya ilaa iyo 16 qof oo kale oo ka mid ahaa xukunkiisii.

Bashiir ayaa horay u xukumay 2 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay musuqmaasuq sanadkii la soo dhaafay.