Xasuuqa Gaza oo Soomaaliya si adag uga hadashey.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa khudbad qoto dheer oo si weyn loo dhageystay ka jeediyay Shirka degdegga ah ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo lagu qabtay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya. Khudbadda wasiirka ayaa si toos ah diiradda u saartay xaaladda bani’aadamnimo ee ka taagan marinka Gaza, isagoo si cad oo aan leexleexad lahayn u cambaareeyay go’doominta iyo xasuuqa ay Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin, gaar ahaan kuwa ku sugan Gaza.

Wasiir Cabdisalaan ayaa ugu baaqay beesha caalamka in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, iyadoo si gaar ah uu xusay in loo baahan yahay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo xabbadda, lana ilaaliyo dadka rayidka ah ee ku hoos nool duqeymaha iyo cunaqabataynta. Wuxuu si gaar ah ugu adkeeyay dalalka xubnaha ka ah OIC in ay si mideysan uga shaqeeyaan sidii gargaar bini’aadannimo degdeg ah loo gaarsiin lahaa shacabka Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale taageeray xal siyaasadeed oo waara oo ku saleysan mabaadi’da laba dowladood, taasoo horseedaysa in la dhiso dowlad madax-bannaan oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin, iyadoo caasimadduna noqoneyso Bariga Qudus. Wuxuu tilmaamay in arrintan ay tahay tiir muhiim u ah nabad waarta oo laga gaaro khilaafka Bariga Dhexe.

Intii uu khudbadda jeedinayay, Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in xal loogu helo xaaladda Gaza, wuxuuna carabka ku adkeeyay muhimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida dhuleed iyo midnimada dalalka xubnaha ka ah OIC, oo uu ku tilmaamay tiir-dhexaadka iskaashiga Islaamka. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay in ay taageerto dhammaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, wada noolaanshaha, iyo ilaalinta xuquuqda dadka reer Falastiin.

Shirkan oo ahaa mid heer sare ah, ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirro arrimo dibadeed iyo wufuud ka socotay dhammaan waddamada xubnaha ka ah OIC, waxaana si weyn loogu falanqeeyay xaaladda murugsan ee Falastiin, iyada oo Soomaaliya ay kamid ahayd dalalka codkooda si cad u muujiyay.