Xeer Ilaaliyada Maxkamadda Jubblaland ayaa Maxkmadda ka dalbaday in eedeysanaha lagu rido xukun dil toogasho ah, kadib markii uu ka qeyb qaatay weerarkii khasaaraha ka badan geystay ee ka dhacay Magaalada Kismaayo. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Caliyoow kuusoow Sida uu ku dhawaaqay Bashiir Maxamuud Xareed Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada. Si kastaba weerarkii lagu qaaday sanadkii hore Hotelka Cas-casey ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbada Hoose ayaa waxaa ku geeriyooday 26 ruux oo ay ku jiraan Wariyeyaal oo kamid aheyd Hodan Naaleeye iyo dad kale oo magic lahaa, waxaana ku dhaawacmay 50 qof, iyadoo Mas’uuliyadiisa sheegatay weerarkaas Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta shaaciyay inuu kamid ahaa muddo bil kahor dadka shacabka ah ee dhibaatada ku qabay xirnaashaha Waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlaayay Munaasabad lagu daah-furayay waddooyinka ee Muqdisho ayaa sheegay in waddooyinkii xirnaa ee Caasimadda dalka loo furay si loo fududeeyo nolosha, Ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha Gobolka.

Waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in Shacabka Muqdisho ay muddo badan dhibaato ku qabeen xirnaashaha waddooyinka, isagoona raali-geliyay shacabka ku dhaqan Caasimadda ee dhibaatada ku qabay xirnaanshiyaha waddooyinka.

Sidoo kale Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in haatan la furay qaar kamid ah waddooyinka, welina ay harsan yihiin kuwo kale, hayeeshee furitaanka waddooyinka xiran laga sugayo la shaqeyn shacabka ee laamaha amniga dowladda.

Si kastaba Shacabka kunool Gobolka Banaadir ayaa dhibaato farabadan ku qabay xirnaashaha waddooyinka, waxaana dowladda haatan la furtay waddooyin dhowr ah, isla markaana laga qaaday dhagxaanta markii horey lagu jaray.