Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Intii uu socday kulanka, waxaa lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara, si loo ilaaliyo badqabka iyo madaxbannaanida isgaarsiinta dalka, loogana hortago faragelin kasta oo shisheeye.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada waxa uu warbixinno ka dhageystay Wasaaradda Waxbarashada, taas oo la xiriirta diyaargarowga toddobaadka xorriyadda iyo imtixaanka qaranka ee sanad-dugsiyeedka 2025, kaas oo si rasmi ah u bilaaban doona maalinta Sabtida ah ee nagu soo aaddan, laguna qaban doono dhammaan gobollada dalka.
Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa iyaguna soo bandhigay warbixinno la xiriira xaaladda amniga, dadaallada xasillinta, iyo dardargelinta howlgalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta. Golaha ayaa bogaadiyay geesinimada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo nafahooda u huraya difaaca dalka, nabadda, iyo xasiloonida shacabka Soomaaliyeed.














