Xiisad ka taagan degaan ka tirsan G/Galgaduud & Ciidamo ku baxay

Waxaa weli xiisad dagaal laga dareemayaa degaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo shalay uu dagaal kooban ku dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed oo halkaasi wada dega.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaad Hubeysan ay degaanka Xananbuure ku dileen Nin Shacab ahaa oo lagu Magacaabi jiray Cabdixamiid, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawac ah dagaalkii ka dhacay degaankaas.

Dadka kunool degaanka Xananbuure ayaa waxaa ay sheegayaan in weli dhinacyadii dagaalamay ay ku sugan yihiin degaanka, isla markaana ay ka baqdin qabaan in markale dushooda lagu dagaalamo.

Dhinaca kale degaanka Xananbuure waxaa gaaray Ciidamo isugu jura kuwa Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Booliska Galmudug oo ka baxay Magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo la filayo inay kala dhex-galaan maleeshiyaadka dagaalamay.

Degaanka Xananbuure ayaa waxaa dhowr jeer kusoo laab laabtay dagaalka u dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed, waxaana madaxda Galmudug lagu eedeeyay inay ku guul dareesteen joojinta Colaadaas.