Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ahna Gudoomiyaha Kutladda Horusocod ayaa qoraal uu ku dalbanayo baaritaan dhab ah waxa uu u diray guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa Gaari uu watey abaara 5:0 Galabnimo 23,kii Bishaan waxaa lagu rasaaseyey xilli uu marayey Koontoroolka KM0 oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan NISA.














