Xildhibaan Saadaq Joon oo Si Rasmi ah Loogu Doortay Kursiga HOP#248 ee Golaha Shacabka BFS Doorasho ka Dhacday Dhuusamareeb

Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb, ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug, si rasmi ah uga qabsoontay doorasho si habsami leh u dhacday, taasoo lagu doortay Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) inuu matalo kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kursiga tirsigiisu yahay HOP#248.

Doorashadan oo ahayd mid si weyn loo sugayay ayaa u dhacday si xor iyo xalaal ah, iyadoo ay si buuxda goob-joog uga ahaayeen guddiga doorashooyinka heer dowlad-goboleed iyo heer federaal, mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Galmudug, wakiillo ka socday hay’adaha amniga, iyo xubno matalayay bulshada rayidka ah.

Doorashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhameystirayo buuxinta kuraasta Golaha Shacabka, si loo xaqiijiyo dhameystirka xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigan xiliga kala guurka ku jira.

Kursigan waxaa degmo doorashadiisu tahay Galmudug, wuxuuna kamid yahay kuraasta muhiimka ah ee lagu dooranayo magaalada Dhuusamareeb, taasoo noqotay xarun doorasho oo muhiim ah muddadii la soo dhaafay.

Doorashada Xildhibaan Saadaq Joon ayaa la filayaa inay sii xoojiso matalaadda siyaasadeed ee Galmudug ku leedahay Golaha Shacabka, iyada oo si toos ah loogu darayo tirada guud ee xubnaha baarlamaanka federaalka ah.

Doorashadan ayaa si nabad ah ku soo idlaatay, waxaana ay tusaale u tahay horumarka laga sameynayo dhanka qabashada doorashooyinka gudaha dalka. Xildhibaan Saadaq Joon ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u qaato xilkiisa marka la dhammeeyo habraacyada rasmiga ah ee Golaha Shacabka.