Xildhibaanada dalka oo ka doodey taakuleynta ciidamada xooga dalka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan kamid ah kulamadooda caadiga ah, kaasoo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa. Kulankan waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo ku-xigeennadiisa.

Kulanka waxaa looga dooday arrimo dhowr ah oo muhiim ah, iyadoo mudanayaashu ay gaar ahaan diiradda saareen sharciyo muhiim ah iyo taageerada ciidamada dalka.

Intii kulanka uu socdey waxaa mudanayaasha Golaha Shacabka ay cod u qaadeen Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha iyadoo ay sharcigaasi ogolaadeen 136-xildhibaan, ayna diideen 4-xildhibaan halka aanu jirin xildhibaan ka aamusey.

Mudanayaashu waxaa sidoo kale cod u qaadayeen hindise sharciyeed kale oo muhiim ah, kaasoo ku saabsan dad dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah sharcigan ayaa isagana heley codad ogolaansho oo gaaraaya 136 xildhibaan, 1-cod oo diidma ah halka 5-xildhibaan ay isaga aamuseen.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxay isku raaceen inay qeyb ka mid ah mushaarkooda ku taageeraan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka adag kula jira kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, Ka dib dood ay arrintan ka yeesheen mudanayaasha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe wuxuu ku dhawaaqay in guddi gaar ah loo saari doono soo jeedinta qaar ka mid ah xildhibaanada ee ku saabsan taageerada ciidamada.

Kulankan maanta ayaa ka mid noqday kulamada muhiimka ah ee Golaha Shacabka, iyadoo xildhibaanadu ay ansixiyeen sharciyo muhiim ah.