Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Ka Qayb Galay Tababar Aqoon-is-weydaarsi ah oo Ka Furmay Shiinaha

Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga qayb galay tababar aqoon-is-weydaarsi ah oo uga furmay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha. Tababarkan ayaa socon doona muddo lix (6) cisho ah, waxaana uu diiradda saaraya xoojinta aqoonta, is-dhaafsiga khibradaha sharci-dejinta iyo fahamka xiriirka iskaashi ee labada dal.

Tababarkan muhiimka ah waxaa si gaar ah u soo qabanqaabisay Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, iyada oo kaashaneysa Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah ee hoostagta Guddiga Horumarinta iyo Dib-u-habaynta Qaranka ee Shiinaha. Ujeedkiisu waa kor u qaadidda fahamka labada dhinac ee ku aaddan horumarinta sharciyada, siyaasadaha dhaqaalaha iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Furitaanka tababarka ayaa waxaa hadallo kooban ka jeediyay mas’uuliyiin ka socday labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Mas’uuliyiintaasi waxay muujinayeen muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta labada dal iyo sida ay tababarradan oo kale gacan uga geysan karaan horumarinta kartida hay’adaha dowladda.

Ugu dambeyntii, Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha ayaa agaasimaha Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah, Marwo Qui Ainun, guddoonsiiyay hadyad dhaqameed ka turjumeysa hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, taasoo astaan u ah xushmadda iyo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dowladood.