Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku midoobay Madasha Samata-Bixinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa soo saaray digniin culus oo ku saabsan xaalado colaadeed oo ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ka hurinayso gobollada Sanaag iyo Gedo.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku eedeeyeen dowladda, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, inay mas’uul ka yihiin kicinta dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyagoo ku tilmaamay dhacdadan mid si toos ah uga dhalatay siyaasadda dowladda ee gobolka.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in gobolka Gedo ay ka socdaan abaabul colaadeed oo ula kac ah, taas oo loo adeegsanayo cadaadis siyaasadeed, xilli dadka deegaanka ay hore ugu jireen xaalado nololeed oo aad u liita. Waxay xuseen in dowladda Federaalka ay gabi ahaanba joojisay duulimaadyadii u kala gooshayay degmooyinka Gedo iyo Doolow, tallaabo ay ku tilmaameen mid xannibaysa dhaq-dhaqaaqa shacabka, isla markaana ah cadaadis siyaasadeed oo toos u saameynaya nolosha dadka rayidka ah.
Xildhibaanada Madasha Samata-Bixinta Qaranka ayaa uga digay dowladda inay sii waddo tallaabooyin ay ku sheegeen colaad hurin, iyagoo ku adkeeyay in ficilladan ay khatar weyn ku yihiin deganaanshaha dalka, islamarkaana wiiqi karaan dadaallada lagu doonayo in lagu xasiliyo Soomaaliya.
Hadalka xildhibaanada ayaa imaanaya xilli xiisado siyaasadeed iyo amni ay ka taagan yihiin gobolladaas, iyadoo shacabka iyo beesha caalamka si dhow isha ugu hayaan xaaladda, maadaama colaado cusub ay ka dhalan karaan khilaafka sii xoogeysanaya ee dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.















