Waxaa goor_dhow furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo ah kii 4-aad kalfadhiga 7-aad ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Ajendaha kulanka ayaa ah ka doodista xeerka qoondada haweenka iyo qeybinta xeerka qoondaha ku noqoshada miisaaniyadda 2020-ka.
















