Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu safar rasmi ah ku tago magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu kulan muhiim ah kula yeelan doono Madaxweynaha dalka Masar, Mudane Cabdel-Fataax Al-Sisi.
Kulankan ayaa la filayaa in uu diiradda saaro xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar. Sida ilo diblomaasiyadeed sheegeen, waxaa si gaar ah diiradda loo saari doonaa xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, gaar ahaan xiisadda sii xoogeysaneysa ee ku saabsan damaca Itoobiya ee ku wajahan Biyaha Webiga Nile.
Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo beegmaya xilli gobolka uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo faraha ka sii baxaya. Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay bilaabi doonto xarrigga biyaha kanaalka Nile si ay koronto uga dhaliso mashruuca weyn ee Biyo-xireenka Abay (Nile Grand Renaissance Dam). Tallaabadan ayaa si weyn uga caraysiisay dowladda Masar oo u aragta inay khatar gelinayso amniga biyo iyo masiirka qaranka Masar, maadaama Masar ay aad ugu tiirsan tahay biyaha Webiga Nile.
Dhinaca kale, xiisadda gobolka ayaa sii hurmeysa, iyadoo warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in Itoobiya ay dacwo rasmi ah u gudbisay ururo caalami ah, kuna eedeysay dalka Eritrea inuu qorsheynayo weerar gudaha Itoobiya ah muddo saddex bilood gudahood ah. Eedeyntan cusub ayaa sare u sii qaaday cabsida laga qabo in gobolka Geeska Afrika uu markale wajahayo qalalaase amni oo weyn.
Dowladda Soomaaliya ayaa laga filayaa in ay si taxadar leh u miisaanto mowqifkeeda, maadaama la ogyahay in Madaxweyne Xasan Sheekh lagu casuumay inuu ka qeyb galo xafladda xarig-jarka biyo-xireenka cusub ee Itoobiya. Haddii uu ka qeyb galo, waxaa laga dhaxli karaa fal-celin adag oo uga timaada Masar iyo Suudaan, oo si cad uga soo horjeeda mashruucaas. Warar siyaasadeed ayaa tilmaamaya in dowladda Masar ay si weyn ugu dadaalayso in Soomaaliya aysan ka qeybgalin xafladdaasi, si aysan qayb uga noqon khilaafka geeska Afrika gaar ahaan midka ku aaddan biyaha Nile.
Inkasta oo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu dhawaan wajahay khilaaf adag, gaar ahaan kaddib heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya la gashay Somaliland, haddana waxaa muuqda dadaallo lagu xakameeyay xiisaddaas. Wada-hadalladii Ankara ka dhacay iyo booqashooyinka madaxda labada dhinac ayaa horseeday yareynta cadaadiska, inkasta oo arrintaasi aysan gebi ahaanba dhammaan.
Kulanka lagu wado inuu ka dhaco Qaahira waxa uu noqon doonaa mid muhiim u ah jihaynta siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, iyadoo ay muhiim tahay in la ilaaliyo dheellitirka xiriirka Soomaaliya la leedahay labada quwadood ee gobolka – Masar iyo Itoobiya.














