Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo ku baaqay in la qabto doorasho xilligeedii laga soo hormarinayo

Labada xisbi ee Waddani iyo UCID ayaa ku baaqay in la qabto doorasho madaxtooyo oo xilligeedii laga soo hormariyo lana qabto sannadkan 2020-ka.

Tilaabaddaan ayay sheegeen in timid maadama madaxweyne Biixi, hoggaaminta dalka ku fashilmay.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu noqday kaligii taliye loona baahan yahay in si deg deg ah xilka looga xayuubiyo.

” walaalayaal maanta waxa muuqata in Muuse Biixi uu u xuubsiibtay keligii taliye, cagtana saaray waddadii hore loo eeday ee khayrkii iyo jannanadii dhagarta ku caanka ahaa ay mareen” ayuu yiri guddoomiye Cirro.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatooyinka looga soo horjeeddo jiraanka Somaliland ay sare u kaceen tan iyo markii la doortay Madaxweyne Muuse Biixi.