Xisbiyo qaadacay natiijadii ka soo baxday doorashadii Pakistan

Warbaahinta dowladda Bakistaan ayaa sheegtay in Koox ka kooban xisbiyo siyaasadeed oo uu ka mid yahay xisbiga PMLN – ay diideen natiijada ka soo baxday doorashadii ka dhacday Arbacadii dalkaasi.

Qaar ka mid ah Xisbiyadda ayaa sheegay in doorashadaani lagu shubtay islamarkaana ay qaadacayaan.

Mid ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiyadani Maulana Fazlur Rahman ayaa sheegay in ay qabanqaabin doonaan dhaqdhaqaaqyo dibadbaxyo ah taasi oo ay ku dalbanayaan in doorasho cusub la qabto.

Balse hogaamiyaha xisbiga PMLN, Shahbaz Sharif, ayaa sheegay in uu la tashan doono xubnaha xisbigiisa in ay doorashada qaadacayaan iyo in kale.

Natiijooyinka ilaa iyo imika la shaaciyay ayaa muujinaya in xisbiga xiddigii hore ee ciyaaraha Kirikitka Imran Khan uu xubnaha ugu badan ka helay baarlamaanka dalkaasi.

Gudiga doorashada ee dalka Pakistan ayaa waxay dhankooda beeniyeen in doorashada ay wax isdabamarin dhacday.