Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, iyo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta shaqo iyo kor u qaadidda maamulka hay’adaha dowladda, si loo dardargeliyo adeegyada bulshada iyo fulinta qorshayaasha horumarineed ee dowladda.
Agaasimeyaasha Guud ee la magacaabay ayaa kala ah:
-
Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta.
-
Mudane Mahdi Sheekh Cabdullaahi Cumar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyey agaasimeyaasha cusub in ay si daacadnimo, karti iyo hufnaan leh u gutaan waajibaadkooda shaqo, kana shaqeeyaan hirgelinta himilada Xukuumadda Dan Qaran ee ku aaddan horumarinta adeegyada dowladeed iyo xoojinta daahfurnaanta maamulka.














