Laamaha amniga Dowladda Kenya ayaa sheegay in 3 qof oo looga shakisan yahay Al-shabaab ay ku geeriyoodeen 4 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib ay ku qarxay miino ay ku aasayeen Magaalada Garissa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari.
War kasoo baxay Laamaha ayaa waxaa lagu xaqiijiyay geerida 3 qof xili ay qarax aasayeen, waxaana intaasi ay ku dareen in 4 qof oo dhaawacyo ay soo gaareen.














