Xukuumadda oo faah faahisay safarka Ra’iisul Wasaare Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in uu Maanta u amababaxo Caasimadda Kenya ee Nairobi, si uu ula kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Safarkaan ayaa waxaa uu kad ambeeyay kadib markii Wasiirka Arrimaha dalka Kenya oo Maalin ka hor timid Muqdisho ay casuumaad soo gaarsiisay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha & Madaxweynaha Kenya ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal, isku socodka safarka iyo arrimo kale.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado dadaalo lagu soo celinayo xiriirkii Kenya iyo Soomaaliya, labada dowladood oo uu ka dhaxeeyay waxyaabo ay kamid yihiin Amniga Ganacsiga iyo waxyaabo kale.