Xukuumadda Oo kahadashey kulanka Rooble, Madaxda Maamul-Goboleedyada iyo wakiillada Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxda maamul-goboleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka siiyey wakiillada beesha caalamka heshiiskii laga gaaray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay dowladda federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabsoomidda doorasho caddaalad ah oo dhinacyadu u siman yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay beesha caalamka taageerada iyo is garab taaggooda,isagoo ka dalbaday in kaalintooda ay ka qaataan qabsoomidda doorashooyinka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Sidoo kale, wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ee Khamiistii laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo ballan qaaday sida ay uga go’an tahay taageeridda dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxiixay.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qodobbadii laga wada hadlay: