Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ee dalka Yemen, Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Yemen, Amb. Mustafa Al-Nucmaan.
Intii kulanku socday, labada mas’uul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen. Waxaa diiradda la saaray sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta, iyo arrimaha diblomaasiyadda, taasoo muhiim u ah labada shacab.
Danjire Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa uga mahadceliyay wasiirka soo dhoweynta diirran iyo taageerada uu muujiyay, isaga oo ballan qaaday in uu si hagar la’aan ah uga shaqeyn doono xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.
Kulankan ayaa ah mid qayb ka ah dadaallada socda ee lagu kobcinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya la leedahay wadamada gobolka iyo kuwa caalamka.














