Xaalada Masar iyo Itoobiya oo sii xumaaneysa.

Xilli dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku dhawaaqay in la dhammeystiray biyo-xireenka weyn ee laga dhisayo Webiga Nile, ayaa tallaabadan waxay walaac weyn ka dhex abuurtay dalalka dariska la ah, gaar ahaan Masar iyo Suudaan. Biyo-xireenka oo la bilaabay sanadkii 2011, kana mid ah mashaariicda koronto-dhalinta ugu waaweyn Afrika, ayaa lagu maalgeliyey in ka badan 4 bilyan oo doolar.

Masar iyo Suudaan ayaa hore u diidanaa mashruucan, waxayna muujiyeen cabsi ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto biyo-qabashada webiga Nile, kaas oo Masar ay ku tiirsan tahay in ka badan 90% biyaha ay u baahan tahay. Masar ayaa caddeysay in aysan aqbali doonin wax tallaabo ah oo ka hor imaanaysa danaha dadkeeda, halka madaxda Masar iyo Suudaan ay ku baaqeen in la iska ilaaliyo tallaabooyin hal dhinac qaadasho oo keeni kara khilaaf iyo colaado cusub.

Khilaafka biyo-xireenka u dhaxeeya Masar, Itoobiya, iyo Suudaan ayaa saamayn weyn ku yeelan kara guud ahaan gobolka Geeska Afrika, Soomaaliya oo iyaduna ah dal muhiim u ah xiriirka gobolka ayaa laga filayaa in ay qaadato go’aano istiraatiiji ah. Soomaaliya waxay leedahay xidhiidh toos ah oo qoto dheer la leh Itoobiya, oo xuduud dheer la wadaagta, isla markaana saameyn ballaaran ku leh gudaha Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca amniga, iyadoo ay gudaha dalka ka joogaan ciidamada hoos yimaada howlgalka AUSSOM.

Dhinaca kale, Masar waa dal carbeed oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya, waxaana ay ka taageertaa dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo waxbarashada. Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowaan booqasho rasmi ah ku tagay Masar, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Masar, Cabdifitaax Al-Sisi, si ay uga wada hadlaan xaaladda gobolka iyo qorsheyaasha la xiriira ciidanka Masaarida ee la filayo in lagu soo diro gudaha Soomaaliya. Labada dal ayaa horey u saxiixay heshiis difaaca ah oo dhigaya in Masar ay Soomaaliya keento 10,000 oo askari, heshiiskaas oo la saxiixay bishii Agoosto 2024.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa si xooggan uga soo horjeesatay qorshaha ciidanka Masaarida ee ku wajahan Soomaaliya, iyadoo Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Itoobiya, Marshal Berhanu Jula, uu dhaqdhaqaaqyadaasi ku tilmaamay kuwo khatar ku ah amniga dalka Itoobiya. Xiisadda biyo-xireenka Nile ayaa markale dib u soo celin karta khilaaf siyaasadeed oo gudaha Soomaaliya ka dhex dhasha, haddii aysan si taxadar leh u miisaamin tallaabooyinka ay qaadayso dowladda Soomaaliya iyo madaxda gobolka.

Sidaa darteed, Soomaaliya waxaa looga baahan yahay in ay si xeel dheer uga fakarto xiriirka ay la leedahay labada dal, ayna qaadato go’aano dhexdhexaad ah oo ilaalinaya danta guud ee dalka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.